Chelsea oo wajihi jirta dacwad kaga timaada xiriirka FA kaddib kulankii xalay ee Liverpool…(Maxaa dhacay?)

blu

(England) 01 Feb 2017. Chelsea oo xalay booqatay gegada Anfield ayaa dhibic muhiim ah kala soo laabatay inkastoo ay badin kartay kaddib rigooradii uu ka khasaariyay Diego Costa daqiiqadihii ugu dambeeyay kulanka.

Laakiin Blues ayaa wajihi karta dacwad kaga timaada xiriirka kubbada cagta Ingiriiska kaddib markii ay taageerayaashooda dhalo khamri ah ku soo tuureen Georginio Wijnaldum mar uu u dabaal degayay goolkii uu bar-baraha ugu keenay kooxdiisa Liverpool.

Georginio Wijnaldum had a bottle thrown at him from the away end

Xiddiga reer Holland ayaa ku dabaal degayay dhanka taageerayaasha Liverpool markii uu bar-baraha u keenay laakiin waxaa dhankiisa lagu soo tuuray dhalo khamri ah waloow aysan ku dhicin.

Chelsea ayaa iminka 9-dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka Premier League maadaama ay Arsenal guul daro lama filaan ah ka soo gaartay Watford iyadoo xitaa ku ciyaareysa garoonkeeda Emirates.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close