AFCON 2017: Xulka Egypt oo iska xaadiriyey final-ka koobka qaramada Afrika, kaddib markii ay rigooreyaal ku reebeen Burkina Faso

Egypts-Mohamed-Salah-celebrates-scoring-their-first-goal-with-team-mates

(Libreville) 02 Feb 2017 – Xulka qaranka Egypt ayaa iska xaadiriyey final-ka koobka qaramada Afrika sanadkan 2017, kaddib markii uu rigooreyaal ku reebay dhiggiisa Burkina Faso.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Egypt ayaa la yimid goolka koowaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey 66’daqiiqo xiddigooda Mohamed Salah.

Xulka Burkina Faso ayaa dhankooda iska soo guday goolkaas, waxaana goolka barbaraha u dhaliyey 73’daqiiqo Aristide Bance, kulanka ayaana waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaaday gar isku mid ah 1-1.

Waxaa loo baahday in sida sharciga ah lagu kordhiyo ciyaarta 30’daqiiqo oo lagu kala baxo, laakiin labada xulba gool waa ay iska dhalin waayeen kulanka ayaana 120’daqiiqo ku soo dhammaaday barbaro 1-1.

Sidaas ayaana loogu dhigay labada xul ee Burkina Faso iyo Egypt gool ku laadyo, waxaana 3-4 rigooreyaal ku badiyey xulka Egypt oo sidaas ku gaaray kama dambaysta koobka qaramada Afrika.

Xulka Egypt ee Final-ka koobka qaramada Afrika 2017 iska xaadiriyey ayaa sugi doona xulkii soo baxa Cameroon iyo Ghana oo wada ciyaari doona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close