Gerrard: Waan garanayaa sababta uu Griezmann u diiday Man United

steven-gerrard-antoine-griezmann_1puvvyd4cmx401iq8pwa4sdusb

(Manchester) 01 Feb 2017. Halyeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Antoine Griezmann uusan rabin ku soo biiridda Manchester United maadama aysan dheeleen Champions League.

Kooxda Antoine Griezmann ee Atletico Madrid waxa ay afar dhammaadka Copa del Rey la dheeli doonaan Barcelona halka ay joogaan wareega 16-ka ee Champions League.

Hadii uu ka tago Atletico, Griezmann waxa uu ka tanaasuli lahaa hanashada koobkii uu ku sigtay hanashadii xilli uu beer dareeyey gool ku laad fiinaalihii 2015-16.

Iyada oo ay iminka United dheeleyso wareega labaad ee Champions League-ga, Gerrard ma fahmi karo sababta ku kalifeysa Griezmann in uu xusho iyaga.

“Champions League-ga ayuu u ciyaarayaa Atletico Madrid,” ayuu Gerrard oo gabi’ahaanba waayihiisa ku soo qaatay naceybka Uniyed u sheegay BT Sport.

“Waxa ay uu haystaa fursad uu taas ugu loolamo, taas oo ay dhawrkii sano ee tagay sameeyeen.

“Waxa uu ka fekerayaa: ‘Haa, ku biiridda Manchester United waa wax wanaagsan, laakiin wali xagaaga ayey imaanayaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close