XOG: Chelsea dalab ka gudbisay Candereva

(Milan) 31 Jan 2017. Chelsea waxa ay dalab xilli dabe oo gaaraya €30 million ka dirtay Antonio Candereva balse waxaa ka diiday kooxda Inter, sidaas waxaa ku warrameysa La Gazzetta dello Sport.
Antonio Conte ayaa xiddiga u ah taageere weyn laakiin Nerrazurri waxa ay caddeysay in uu u yahay fure qorsheheeda kamana aha iib bishan lacag kasta oo loo gaaro.
Gool FM.