RASMI: Odion Ighalo oo u dhaqaaqay horyaalka shiinaha

(Beijing)  31 Jan 2017 Kooxda Watford ee dalka ingiriiska ayaa shaacisay in weerar yahankoodii reer Nigeria ee Odion Ighalo uu u dhaqaaqay dhanka horyaalka shiinaha.

Watford ayaa ka iibisay 27 jirka reer Nigeria ee Odion Ighalo kooxda Changchun Yatai, waxaana miiska loo saaray kooxda reer ingiriis aduun dhan 20 milyan oo Ginni.

Odion Ighalo ayaa ku soo biiray kooxda Watford 2014 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Udinese, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa inay u soo dalacdo Premier League 2014/15.

Odion Ighalo

Weerar yahankaan oo u tartamayay gool dhalinta xiliciyaareedkii hore ayaa dhaliyay kaliya hal gool xiliciyaareed kan, wuxuuna gool la’aan ahaa 15 kulan oo ah tartamada oo dhan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close