EPL: Kooxda Watford oo Arsenal garoonkeeda ku garaacday iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka… + SAWIRRO

(London) 01 Feb 2017 – Kooxda Watford ayaa Arsenal ku garaacday garoonkeeda Emirates kulan ka tirsan Premier League, Gunners ayaana lagu garaacay 2-1.

Kooxda Arsenal ayaa looga naxsaday goolka hore 10-kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta, waxaana laad xor ah oo loo dhigay Watford oo uu Tom Cleverley u taagay Younes Kaboul oo uu laaday inta ku sii dhacay Aaron Ramsey sidaas shabaqa ku gashay, Gunners ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Goolka labaad ayaa markale loogu shubay Arsenal waxaana kubbad uu soo saaray goolwalaha Gunners markale ku laad xoog leh ku celiyey oo shabaqa gaarsiiyey 13’daqiiqo Troy Deeney, kulanka ayaana lagu kala nastay 2-0 ay ku gacan sarreysay Watford.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Arsenal ayaa hal gool iska soo celisay, waxaana kubbad uu dadab kala soo xarooday Sanchez oo uu soo karoosay dhammaystiray 58’daqiiqo Alex Iwobi, kaasoo kulanka ka dhigay 1-0 wali lagu hoggaaminayey Gunners.

Arsenal ayaa baadi goobtay sidii ay ugu yaraan u barbarayn lahayd ciyaarta laakiin kulanka ayaa ugu dambayn ku soo idlaaday 2-1 ay guusha ku qaadatay Watford.

Gunners ayaa hadda lumisay saddex dhibcood ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 47-dhibcood.

Kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Premier League:-

AFC Bournemouth 0 – 2 Crystal Palace

Burnley 1 – 0 Leicester City

Middlesbrough 1 – 1 West Bromwich Albion

Sunderland 0 – 0 Tottenham Hotspur

Swansea City 2 – 1 Southampton

SAWIRRO:

C3h74J5W8AQDwgf

C3h74J5WcAAsbJ1

C3h74J9WcAIlfhd

C3hs3d_WIAAdyB6

C3hs3eBWQAEA7zH

C3hs3eoWQAEyp3o

C3hs3fRXUAACo4G 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close