EPL: Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Anfield… + SAWIRRO

(Liverpool) 01 Feb 2017 – Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Anfield, kaddib kulan ka tirsan Premier League oo ku dhammaaday barbaro 1-1.

Kooxda Chelsea ayaa gool la horreysay waxaana laad xor ah oo toos ah 25’daqiiqo ugu shubay Reds David Luiz, kaddib kubbad uu si wacan u soo qaaday oo birta inta ku sii dhacday shabaqa gashay, kulanka ayaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Chelsea.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool ayaa la timid goolka barbaraha, waxaana 58’daqiiqo madax ugu dhaliyey Georginio Wijnaldum.

Diego Costa ayaa kooxdiisa Chelsea 77’daqiiqo ka khasaariyey fursad ay ku badin lahaayeen, waxaana ku lumiyey rigoore loo dhigay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 1-1.

Chelsea ayaa hadda hoggaanka horyaalka ku haysa Premier League 56-dhibcood, halka Liverpool ay fadhiso kaalinta afaraad iyadoo leh 46-dhibcood.

SAWIRRO:

C3h_YY0WEAAv-38

C3h94MnWEAEZpuB

C3h_YY3XAAA0yoh

C3h_YY8XUAA5xEF

C3h_YZgWEAAn_1e

C3hu57SWAAIGeTB

C3hu57YXAAEYeSa

C3hvGQZWQAAIift

C3hvGRQWYAAwI54

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close