DEG DEG: Aubameyang oo sheegay in uu doonayo ka tagidda Borussia Dortmund

uefa-team-of-the-year-pierre-emerick-aubameyang_12fe1rbp31b3f1ialulr2wb5k5

(Dortmund) 31 Jan 2017.  Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu qiray in uu doonayo xagaaga dambe in uu ka tago Borussia Dortmund waxa uuna ku biiridda Real Madrid ku tilmaamay ‘Riyo’.

Laacibka reer Gabon waxa uu ka mid yahay weeraryahanada sida weyn looga doonayo Europe waxa uuna ku raaxeysanayaa olole wanaagsan isaga oo dhinaca Bundesliga durba u dhaliyey kolkan 20 gool.

Dortmund dhawaan waxa ay ka dhawaajisay in ay doorbidi doonto iibinta xiddiga hadii ay ku hesho €80 million.

“Hadii aan doonayo heerkan midka xiga, waxaan rabaa tagidda xagaaga,” ayuu Aubameyang u sheegay Raadiyaha RMC.

“Real Madrid weli waa riyo, laakiin waxaa jiray dhawaq aad u badan.”

Aubameyang hore waxa uu si shaaric ah u sheegay in uu doonayo ku biiridda Real Madrid isaga oo ku warramay inuu ballan ahaan uga qaaday awoowgiis u dheelidda kooxdaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close