RASMI: Kooxda Juventus oo soo qaadatay Riccardo Orsolini

(Torino) 30 Jan 2017 – Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo saxiixatay laacib-yaraha Riccardo Orsolini oo ay €6m iyo €4m oo dheeraad ah uga soo qaateen kooxda Ascoli.
Laacibkan ayaa muddo waxaa isku haystay kooxo badan oo Talyaani ah, waxaase haatan garab-weerarkan gacanta ku dhigtay Bianconeri.
Fiidkan ayaa la xaqiijiyay inuu soo wareegay 20-jirkan, isagoo kooxdiisa ugu laabanaya amaah bilaash ah tan iyo dhamaadka fasal-ciyaareedkan.
“Juventus Football Club waxay ku dhawaaqaysaa inay soo qaadatay Riccardo Orsolini oo Ascoli uga yimi €6m oo euro oo la bixinayo 2 sano,” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay Juve.
Gool FM