RASMI: AC Milan oo heshiis la gashay Lucas Ocampos (Daawo xirfaddiisa)

(Milano) 30 Jan 2017 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay soo qaadatay garab-weerarka Genoa ee Lucas Ocampos kaasoo kula joogi doono amaah qallalan tan iyo dhamaadka fasal-ciyaareedkan.

Kooxda Rossoneri ayaa M’Baye Niang amaahisay Watford, sidaa darteed bay u baahdeen weerar bedela wiilkan reer Faransiis, iyagoo heshiis la gaarey kooxda Grifone, balse laacibkan reer Argentine wuxuu amaah ugasoo maqan yahay kooxda Marseille, sidaa darteed baa ogolaansho looga baahday kooxda Ligue 1.

Waxayna taasi timi maanta iyadoo ay Milan bilowday inay laacibka caafimaadka marsiiso iyadoo haatan ku dhawaaqday saxiixa Ocampos oo kooxda la joogaya tan iyo 30-ka Juunyo 2017.

 

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close