Klopp oo ka hadlay suurogalnimada uu Sadio Mane uga qayb qaadan karo kulanka Chelsea

(Liverpool) 30 Jan 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay suurogalnimada uu Sadio Mane uga soo muuqan karo kulanka habeen dambe ee Chelsea.

Kooxda Reds-ka ayaa marti qaadi doonta dhigeeda Blues habeen dambe, Liverpool ayaana diyaarad gooni ah u dirtay laacibkeeda taas oo ka soo qaaday dalka Gabon oo uu ka socdo koobka qaramada afrika.

Xulka qaranka Senegal ayaa laga soo ciribtiray koobka, taas oo ku qasabtay Liverpool inay doonato Sadio Mane oo la’aantiis kooxdu ay gaari waysay wax guul ah.

Tababare Klopp ayaa sheegay inuu barri go’aan san doono in Sadio Mane uu ciyaari karo kulankaas iyo inkale gaar ahaan marka uu arko indhihiisa sida uu saxaafada u sheegay.

“Wuxuu haatan ku soo jeedaa Liverpool, shalay looma ogolaan diyaaradii waday inay soo duusho” ayuu yiri ka hor kulanka Chelsea.

“Si buuxda uma hubo inuu ciyaari karo barri, dadaal badan ayaan ku bixiyay sidii aan dib ugu soo celin lahaa waqtiga ugu dhaqsiyaha badan, haatana waa uu soo laabtay”.

“Mane waa uu nala joogi doonaa laakiin waxaan u baahanahay inaan fiiriyo indhihiisa kadibna aan iska hubiyo inuu awoodo inuu ciyaari karo iyo inkale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close