Juve oo laacibiin lala xiriirinayo & Giuseppe Marotta oo ka hadlay waxa ay ka yeelayaan suuq-jiilaalkan berri xirmaya

(Torino) 30 Jan 2017 – Giuseppe Marotta oo ah maareeyaha ciyaaraha ee Juventus ayaa sheegay “inaysan waxba ka samayn doonin” suuqa kala iibsiga kahor maalinta suuq-xiranka oo berritoole ku beegan.

Kooxda reer Torino ayaa waxaa lala xiriirinayay laacibka khadka dhexe ee AS Roma ee Leandro Paredes iyo dadabka bidix ee Schalke 04 ee Sead Kolasinac, halka ay warar kale sheegayeen in Hernanes uu ku biiri doono Genoa.

“Suuqeenna kala iibsigu waa xiran yahay. Saacadahan yar ee ugu dambeeya waxba ma samayn doonno,” ayuu yiri maareeyaha ciyaaraha ee Juve jaalle Marotta oo la hadlayay hilinka Sky.

Waxaa muuqata in Giallorossi aysan doonayn inay Paredes ka iibiso Bianconeri, halka Kolasinac uu wada xaajood kula jiro Chelsea.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close