Inter Milan oo wali ka shalaaysan iibkii Philippe Coutinho

موهبته كبيرة لكن لم يحصل على فرصته

(Milan) 30 Jan 2017 Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa ka shalaaysan iibka kubadd abuuraha kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho.

Inter ayaa ka iibisay Philippe Coutinho kooxda Liverpool 2013, kadib markii laacibka reer Brazil uu ku fashilmay inuu la qabsado qaab ciyaareedka kooxda reer talyaani.

Balse maamulka Inter ayaa u arka iibkii Philippe Coutinho inuu yahay shalaaygii ugu waynaa ee soo mara kooxda 20-kii sano ee la soo dhaafay.

“Aad ayaan uga shalaaynayaa iibkii Coutinho, lagayaabee inuu yahay shalaaygii ugu waynaa ee soo mara Inter 20-kii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri agaasimaha ciyaaraha ee Inter oo la hadlay ESPN.

Coutinho 1

“Xusuus fiican ayaan ka haystaa ka laacib ahaan iyo ka wiil ahaanba, wax badan dib uma dhicin si uu nootuso inuu yahay laacib cajiib ah iyo sida ay dhab uga tahay inuu gaaro heerka uu maanta joogo”.

“Xirfadiisu waxay ahayd mid noo muuqatay laakiin si joogto ah uma uusan ciyaari jirin maadama ay joogeen ciyaartoy ka xirfad badan sida Diego Milito, Wesley Sneijder, Antonio Cassano iyo Rodrigo Palacio sidaas darteed wuxuu raadsaday koox uu ka heli karo boos joogto ah”.

“Waqtigaas lacagtii aan ka helnay iibkiisa waxaan ku soo iibasanay Mateo Kovacic oo 40 milyan oo euro ugu wareegay kooxda Real Madrid”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close