Chelsea oo xiisaynaysa saxiixa weerar yahanka Celtic ee Moussa Dembele

(London) 30 Jan 2017 Kooxda Chelsea ayaa xiisaynaysa weerar yahanka da’da yar ee kooxda Celtic ee Moussa Dembele sida ay baahisay Sky Sports.
Chelsea ayaa diyaar u ah inay soo xerogaliso weerar yahan kaan reer France suuqa janaayo si uu u caawiyo Diego Costa oo kali ku ah intabadan weerarka kooxda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Celtic ay ka labalabaynayso iibka 20-jirkaan, balse waxaa la fahansanyahay in kooxdu aysan diyaar u ahayn inay ku iibiso qiimo ka yar 40 milyan oo Ginni.
BREAKING: Sky sources: Chelsea interested in signing Celtic’s Moussa Dembele. Club reluctant to sell & would not consider a bid below £40m.
— Sky Sports News HQ (@SkySportsNewsHQ) January 30, 2017
Moussa Dembele ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Celtic xiliciyaareed kan, wuxuuna aad u soo jiitay qaar kamid ah kooxaha ugu tunka wayn yurub.
Gool FM