Arsene Wenger oo durba ka hadlay wararka Arsenal la xiriirinaya Karim Benzema

benz

(London) 30 Jan 2017. Waxaa dhawaan dib u soo noolaaday wararka Karim Benzema la xiriirinaya kooxda Arsenal balse waxaa durba ka soo jawaabay tababare Arsene Wenger.

Dhaliyaha reer France ayaa lala xiriirinayay Gunners kaddib markii uu ku guul darreystay inuu qanciyo tababare Zidane.

Laakiin Arsene Wenger ayaa iminka sheegaya inaysan jirin fursad uu ugu dhaqaaqayo weeraryahan cusub saacadaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga.

“Innaga ayaa nalala xiriirinayaa maxaa yeelay waa Faransiis isaga waxaana laga yaabaa inuu jiro buuq yar uu uga soo tagi karo Real Madrid.” Wenger ayaa sidaa yiri.

“Laakiin uma baahnin inaan soo iibsano wax weeraryahan ah. Suuqa xagaagan ma ahan walaaca waqtigeygan.

“Waxaan weerarka ku heysanaa shax wayn mana u baahnin inaan soo iibsano.

“Waxaan aaminsanahay in tirada iyo tayada aan heysano inay tahay waxa loo baahan yahay.”.

Image result for Karim Benzema Arsenal shirt

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close