Manchester United oo u soo gudubtay wareegga 5-aad ee FA Cup, kaddib markii ay garaacday kooxda Wigan Athletic oo marti u ahayd… + SAWIRRO

(Manchester) 29 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul 4-0 ka gaartay naadiga Wigan Athletic oo marti ugu ahayd garoonkeeda Old Trafford, waxaana ay u soo gudubtay wareegga 5-aad ee FA Cup.

Man United ayaa goolka hore waxaa 44’daqiiqo madax ugu dhaliyey Marouane Fellaini, kaddib markii uu karoos wacan uu ka helay Schweinsteiger, sidaas ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Man United.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man United ayaa la timid goolka labaad waxaana madax kale ugu shubay Wigan 57’daqiiqo difaaca Man United ee Chris Smalling, kaddib karoos kale oo uu dadab ka soo qaaday Martial, kulanka ayaana sidaa ku noqday 2-0 looga gacan sarreeyey Wigan Athletic.

Goolka saddexaad ee Man United ayaa yimid waxaana u dhaliyey 74’daqiiqo Henrik Mkhitaryan, kaddib markii kubbad uu u dhiibtay Martial oo uu bannaanka u soo dhigay shabaqa ku taabtay, 3-0 ayaana lagu hoggaamiyey Wigan.

Bastian Schweinsteiger ayaa goolka afaraad ee Man United ku soo xiray ciyaarta 81’daqiiqo kaddib markii kubbad uu soo madaxeeyey Herrera labo lugootis ku dhammaystiray, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 4-0 ay ku badisay Man United.

Kooxda Jose Mourinho ayaa sidaasi ugu biirtay 16-ka kooxood ee usoo gudbay tartanka FA Cup.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

C3WvC8SW8AAkh81

C3WxCjnWQAEEjv1

C3Wy5QpXUAA3kAp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close