LA LIGA: Real Madrid oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka, kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Real Sociedad oo kaarka cas laga qaatay… + SAWIRRO

(Madrid) 30 Jan 017 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul ka gaartay Real Sociedad oo kaarka guduudan laga qaatay, waxaana ay sii dheereysatay hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain.

Goolka hore ee ciyaarta ayey la timid kooxda Real Madrid 38’daqiiqo, waxaana u dhaliyey Mateo Kovacic, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray baas dhex-dusin ah oo uu ka helay C.Ronaldo, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey Real Sociedad.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa keensatay goolka labaad ee ciyaarta waxaana 51’daqiiqo u dhaliyey Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu caawin ka helay dhaliyaha goolkii hore ee Mateo Kovacic, Real Madrid ayaana kulanka ku hoggaamisay 2-0.

Real Sociedad ayaa dhibaatadu ku sii korortay kaddib markii iyadoo lagu leeyahay labo gool uu kaarka guduudan ka qaatay 74’daqiiqo Inigo Martinez, kaddib markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah, waxaana qaladka dambe uu ku galay Casemiro.

Goolka saddexaad ee Real Madrid ayaa yimid, waxaana 82’daqiiqo u dhaliyey Alvaro Morata, kaddib markii uu madax ku dhaliyey kubbad uu dadab ka soo qaaday Lucas Vazquez, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku adkaatay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Real Madrid oo kulan wali u sii harsan yahay 46-dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka La Ligaha Spain, waxaana Barcelona oo ku jirta kaalinta labaad ay leedahay 42-dhibcood.

SAWIRRO:

C3XbI68W8AEt-t_

C3Xl8yjWEAEtpQ2

C3XX6qFWYAI88hB

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close