LA LIGA: Kooxda Barcelona oo barbaro la soo gashay Real Betis oo ay booqatay… + SAWIRRO

(Seville) 29 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa barbaro 1-1 la soo gashay naadiga Real Betis oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybto labaad ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa gool looga naxsaday waxaana goolka hore ee ciyaarta u dhaliyey Real Betis 75’daqiiqo Alexander Alegria, kaddib caawin uu ka helay Ryan Donk, kooxda Barca ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Dhammaadkii ciyaarta waxaa Barcelona guuldarro ka badbaadiyey Luis Suarez, kaddib markii uu goolka barbaraha u dhaliyey markii uu caawin ka helay Lionel Messi, kulanka ayaana ugu dambayn ku soo dhammaaday gar isku mid ah 1-1.

Barcelona oo haddii ay badin lahayd si KMG ah u qaban lahayd hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain ayaa ku jirta kaalinta labaad haatan iyadoo leh 42-dhibcood.

SAWIRRO:

C3VhnTHWQAIL3dB

C3VhnTHWYAA1lRl

C3VvcXSXUAE0PTk

C3VviUKWcAA9nqF

C3VvMI_WQAIOaVf

C3VvWOdXAAAxP6X

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close