AFCON 2017: Xulka Ghana oo u soo gudbay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika, kaddib markii uu garaacay DR Congo

ghana-cropped_1h2s52k8us1851hfkfgwuc8xh5

(Libreville) 29 Jan 2017 – Xulka qaranka Ghana ayaa ku soo biiray xulalkii u soo baxay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika sanadkan 2017, kaddib markii uu 2-1 uga badiyey dhiggiisa DR Congo.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Ghana ayaa goolka la horreeyey waxaana u dhaliyey 63’daqiiqo u dhaliyey Jordan Ayew, kaasoo kulanka ka dhigay 1-0 lagu hoggaaminayey DR Congo.

Xulka DR Congo ayaan sidaas ku harin, waxaana ay la yimaadeen goolka barbaraha, iyadoo uu u dhaliyey 68’daqiiqo xiddigooda Paul-Jose M’Poku, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

3CA23DAA00000578-4169486-image-a-31_1485713771283

Goolka ay guusha ku qaateen xulka Ghana waxaa u dhaliyey 78’daqiiqo Andre Ayew, kaasoo ahaa gool ku laad, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 looga adkaaday xulka DR Congo.

DR Congo ayaa isaga haray koobka qaramada Afrika, waxaana sidaas afar dhammaadka tartanka ugu soo gudbay xulka Ghana.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close