AFCON 2017: Xulka Egypt oo u soo gudbay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika, kaddib markii uu maquuniyey Morocco

3CA2A8FD00000578-4169610-image-a-6_1485721098295

(Libreville) 29 Jan 2017 – Xulka qaranka Ghana ayaa ku soo biiray xulalkii u soo baxay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika sanadkan 2017, kaddib markii uu 1-0 ku garaacay dhiggiisa Morocco.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Egypt ayaa la yimid goolka qura ee ay uga badiyeen Morocco.

Goolka madiga ah ee ay wiilasha Masaaridu ku majo xaabiyeen Morocco ayaa yimid 88’daqiiqo dhammaadkii ciyaarta, waxaana u dhaliyey Mahmoud Kahraba, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 lagu maray Morocco.

XUlka Masar ayaa u soo gudbay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika 2017, halka xulka Morocco ay tartankan isaga hareen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close