Ronaldinho oo lagu arkay saakay xerada tababarka ee PSG (Daawo Sawirro)

C3QLe_MXUAEPRfW

(Paris), 28 Jan 2017  –Xidiggii hore ee Reer Brazil Ronaldinho ayaa saakay soo gaaray xarunta tababarka kooxda Paris Saint-Germain ee waddanka Faransiiska oo uu haatan ka hor laba xilli ciyaareed usoo dheelay sanadihii (2001-2003).

Lambarkii hore ee 10′ ee PSG, ayaa farxad geliyay dhammaan ciyaartoyda PSG isagoo halkaa si gaar ah ula kulmay rag ay soo wada ciyaareen sida; Thiago Silva (Brazil) iyo Thiago Motta (Barcelona), waxaana sidoo kale xoogaa uu la sheekeystay Xoghayaha guud ee kooxda PSG, Patrick Kluivert.

Laacibkii hore ee ugu wanaagsanaa Caalamka iyo Qaaradda Yurub Ronaldinho ayaa sawir la galay dhammaan ciyaartoyda PSG ee tababarkii saakay joogtay, isagoo sidoo kale lagu sharfay funaanadda lambarka 10′ ee PSG ee uu horey u xiran jiray.

Dhinaca kale Ronaldinho oo 36 jir ah ayaa marti u noqon doona kooxdiisa si uu u daawado ciyaarta habeen dambe ‘Parc des Princes, Paris’ ku dhex mari doonta PSG iyo Monaco ee ka tirsan kulammada 22′ ee Ligue 1, waxaana Ronaldinho dhowaan uu shaaciyay in uu baadi goobayo koox uu ku biiro isagoo doonaya in uu dib ugu soo laabto kubadda cagta.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close