Manchester City oo u gudubtay wareegga 5-aad ee FA Cup, kaddib markii ay garaacday kooxda Crystal Palace oo ay booqatay iyo kulamadii kale ee la ciyaaray… + SAWIRRO

(London) 28 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 3-0 ku garaacay naadiga Crystal Palace oo ay booqatay, waxaana Sky Blue ay u soo baxday wareegga 5-aad ee FA Cup.
Man City ayaa goolka la horreysay waxaana 43’daqiiqo qeybtii hore u dhaliyey Raheem Sterling, kaddib markii uu dhammaystiray caawin uu ka helay saxiixa cusub ee Sky Blue Gabriel Jesus, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Man City.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City waxaa goolkeeda labaad u dhaliyey 71’daqiiqo Leroy Sane, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad bannaanka loo soo dhigay, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha Guardiola.
Dhammaadkii ciyaarta 90’daqiqo waxaana goolka saddexaad oo ay Man City ku adkaatay ku soo xiray Yaya Toure, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku badisay Man City.
Guushaas ay Manchester City ka gaartay Crystal Palace ayaa ku hoggaamisay inay u soo baxdo wareegga 5-aad ee FA Cup.
Kulamadii kale ee ciyaaray FA Cup:-
Blackburn Rovers 2 – 0 Blackpool
Burnley 2 – 0 Bristol City
Lincoln 3 – 1 Brighton & Hove Albion
Middlesbrough 1 – 0 Accrington Stanley
Oxford United 3 – 0 Newcastle United
Rochdale 0 – 4 Huddersfield Town
Tottenham Hotspur 4 – 3 Wycombe Wanderers
FG: Dhammaan kooxaha badiyey maanta kulamadii ay ciyaareen ayaa u gudbay wareegga 5-aad ee FA Cup ama 16-ka kooxood ee gudbay ku biiraya.
SAWIRRO:
Gool FM.