Arsenal oo iska xaadirisay wareegga 5-aad ee FA Cup, kaddib markii ay xaaqday Southampton, xilli saddexleey uu saxiixay Walcott… + SAWIRRO

(Southampton) 28 Jan 2017  Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Southampton oo ay marti u ahaayeen kulan ka tirsanaa FA cup-ka, waxayna ugu awood sheegteen 5-0.

15-daqiiqo Welbeck oo 8-bil kadib ku soo bilowday shaxda Arsenal ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib baas fiican oo uu ka helay Lucas Perez, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Isla Welbeck ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Arsenal daqiiqadii 22-aad, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

36 daqiiqo Walcott ayaa soo taabtay shabaqa kadib kubadd uu ka helay Danny Welbeck oo caawa ay ahayd habeenkiisii, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-0 oo Arsenal ay hogaanka ku haysay.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa halkeeda ka sii waday wacdaraheeda, xili ciyaartoyda Southampton ay ku dhibtoonayeen inay isfahmaan kadib isbadalo badan oo tababaruhu uu ku sameeyay shaxdiisa gaarka ah.

69 daqiiqo Walcott ayaa markale soo taabtay shabaqa kadib baas fiican oo uu ka helay Sanchez oo badal ku soo galay, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 4-0.

85 daqiiqo Walcott ayaa dhamaystirtay 3-leeydiisa, wuxuuna daba mariyay goolhayaha kubadd fiican oo uu ka helay saaxiibkiis Sanchez, wuxuuna ka dhigay 5-0.

Arsenal ayaa ugu danbayntii 5-0 uga adkaatay kooxda Southampton.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close