AFCON 2017: Xulka Burkina Faso oo u soo gudbay afar dhammaadka koobka qaramada Afrika, kaddib markii uu garaacay Tunisia… + SAWIRRO

(Libreville) 28 Jan 2017 – Xulka qaranka Burkina Faso ayaa noqday xulkii ugu horreeyey ee u soo baxa afar dhammaadka koobka qaramada Afrika sanadkan 2017, kaddib markii uu 2-0 uga badiyey dhiggiisa Tunisia.

Kani waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee siddeed dhammaadka koobka qarammada qaarada Afrika  2017, waxaana guul gaaray oo u soo gudbay wareegga xiga ee afar dhammaadka xulka Burkina Faso shan dhibcood uga soo baxday guruubyada oo uu soo ciyaaray saddex kulan.

Dhinaca kale xulka Tunisia oo 6 dhibcood uga soo baxay heerkii guruubyada ayaa koobka isaga haray kaddib markii lagu dharbaaxay 2-0.

Qeybtii hore ee kulankan dhexmaray xulalka Burkina Faso iyo Tunisia ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa labada gool u kala dhaliyey xulka Burkina Faso 81’daqiiqo Aristide Bance iyo 85’daqiiqo Prejuce Nakoulma, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga badiyey Tunisia.

SAWIRRO:

fas

Gabon Soccer African Cup

Gabon Soccer African Cup

Gabon Soccer African Cup

Gabon Soccer African Cup

Gabon Soccer African Cup

Gabon Soccer African Cup

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close