“Waxaan isku dayayaa inaan Cristiano Ronaldo kala haldo inuu ku soo biiro Inter Milan.”.

cre

(Milano) 27 Jan 2017. Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Inter Milan Joao Mario ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii uu Cristiano Ronaldo ugu qal-qaalin lahaa inuu kula soo biiro kooxda reer Talyaani.

Agaasimaha ciyaaraha ee naadiga Inter  Piero Ausilio ayaa dhawaan wacad ku maray inuu joojiyo wada hadalada la xiriirinaya kooxdiisa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayaan xiddiga Barcelona ee Lionel Messi isagoo ka cabsi qaba inay midaa dhagar ku tahay iyo been u sheegis taageerayaasha kooxda.

Sheekooyinkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii uu madaxwaynihii hore ee kooxda Massimo Moratti uu sheegay in naadiga uu qorsheynayo inuu saxiix wayn sameeyo.

Yeelkeede, Joao Mario oo Euro 2016 kula guuleystay Cristiano Ronaldo ayaa iminka si kaftan ah ku sheegay inuu kooxda ka caawin doono sidii ay u heli lahaayeen xiddiga ay dhalashada wadaagaan.

Image result for Cristiano Ronaldo with Joao Mario

“Portugal waxay leedahay ciyaartoy badan oo tayo leh, laakiin Cristiano Ronaldo waa xiddigeena waa laacibka noogu muhiimsan,” Mario ayaa sidaa u sheegay TV-ga Inter Milan.

“Waxaan isku dayayaa inaan kala hadlo inuu Inter igula soo biiro! Aan dhahno way adag tahay!

“Kaliya isku koox ma dhihin sidoo kale waa saaxiib, shaqsi fiican iyo mid hogaaminta u dhashay, waa xariif wayn kaa oo daryeela qofkasta.

“Euro 2016 wuxuu ahaa khibrad nadir ah. Had iyo jeer waxaan ku riyoon jiray inaan wax kula guuleysto dalkeyga, laakiin marna ma sawiran inay u dhaceyso sidii ay u dhacday.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close