Sheeko cajiib ah oo Twitter-ka ku dhexmartay Ter Stegen iyo Arda Turan

Image result for Arda Turan and ter Stegen

(Barcelona) 27 Jan 2017 Laacibka reer turki ee Arda Turan ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 13-aad ee xiliciyaareed kan, taas oo ka dhigtay inuu sameeyay rikoor dhanka gool dhalinta ah.

Arda Turan ayaan dhalin 13-gool hal xiliciyaareed, waana markiisii ugu horeeyay ee uu sidaas samaynayo taariikhda xirfadiisa.

Goolhayaha kooxda Barcelona Marc-Andre Ter Stegen ayaa u hanbalyeeyay Turan kadib rikoorkiisa cusub, wuxuuna kula kaftamay inuu iska xiirayo garka hadii uu gaaro ilaa 20-gool.

“Waxaad dhalisay 13-gool, hanbalyo ninyahow, ma iska xiiraysaa garkaaga hadii aad dhaliso 20 gool?” ayuu Ter Stegen ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Laakiin Turan ayaa ugu jawaab celiyay inuu iska xiirayo garkiisa marka uu ku guulaysto Champions League, wuxuuna intaa ku daray in Ter Stegen qudhiisa uu ka xiirayo tinta.

“Waan iska xiirayaa garkeyga kaliya hadii aan ku guulaysano Champions League, laakiin hadii taasi ay dhacdo sidoo kale tinta ayaan kaa xiirayaa, ma ogoshahay?” ayuu ku soo jawaabay Arda Turan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close