RASMI: Bille Muxudiin Buraale oo ka tagay kooxda Dekedda

(Muqdisho) 27 Jan 2017. Bille Muxudiin Buraale ayaa isaga tagay kooxda Dekedda, kaddib billooyin uu ku sugnaa sida uu xiddigaan inoo xaqiijiyay.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la kansallo heshiiska, lama ogo sababta ka dambeysa in xiddigan uu ka tago kooxda uu hoggaamiyo Yuu Cali.

Kabtankii hore Saxafi ayaa kooxda Dekedda kusoo biiray intii uu talada hayay macallinkii naadigaas laga ceyriyay ee Cabdi Joon.

“ Waa run  waan ka tagay Dekedda, waan ku faraxsanahay waqtigii yaraa ee aan ku sugnaa kooxda,   iminka waxaan gacanta ku heystaa warqadda fasaxa ciyaartooyda  (Noolo-osto) waxaana gacantiisa igu siiyay guddoomiyaha kooxda C/llaahi Faarax ayuu yiri xiddiga Bille Muxidiin Buraale.

Weeraryahankii  S.I.T.T Daalo ayaa horay qallinka ugu duugay kooxdaan heshiis laba sanno ah, waxa uuna u dhaliyay saddex gool intii uu ku sugnaa naadiga uu guddoomiyaha   u yahay C/llaahi Faarax.

img_0251 img_5596 img_5619 img_5635

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close