Lionel Messi ayaa hogaanka u haya sanadka cusub ee 2017

lio

(Spain) 27 Jan 2017. Inkastuu Lionel Messi ku guuleystay La Liga sanadkii tagay misane waxa uu ku qaday abaal marinada shaqsi ahaaneed oo Cristiano Ronaldo ayaa jeebka ku wada shubtay Ballon d’Or iyo laacibka ugu fiican adduunka ee FIFA.

Laacibka reer Argentina ayaa iminka u muuqda inuu durba bilaabay dadaalkii uu u gali lahaa inaan misane sanadkan la qadin isagoo hogaanka u haya laacibiinta ugu goolasha badan uguna caawinta badan ilaa iminka 2017.

Lionel Messi ayaa gool rigoore ah dhaliyay kulankii ay xalay ugu soo gudbeen semi-final ka Copa del Rey taa oo ka dhigan inuu dhaliyay sanadka cusub tartamada oo dhan 6-gool isla markaana uu sameeyay 2-caawin ah, waxaana ku soo xiga Suarez  oo 5-dhaliyay isla markaana 2-caawiyay, dhaliyaha Atletico Madrid Griezmann ayaa isna dhaliyay 5-gool hal caawin ahna wuu sameeyay.

Sidoo kale Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkan cusub dhaliyay 29-gool tartamada oo idil waana in ugu yaraan 10-gool dheer laacib kasta oo ka ciyaara La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close