DEG DEG: Barcelona vs Atletico Madrid, isku aadka Semi final-ka Copa del Rey oo la sameeyay

(Madrid) 27 Jan 2017 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa sameeyay isku aadka Semi Final-ka koobka boqorka Spain oo ay isugu so hareen kooxaha kala ah Barcelona, Atletico Madrid, Celta Vigo iyo Alaves.

Barcelona ayaa lagu beegay kooxda Atletico Madrid halka Celta Vigo ay marti qaadi doonto kooxda Alaves lugta hore ee Semi Final-ka.

Kulanka lugta hore ayeey Barcelona booqan doontaa garoonka Atletico Madrid ee Vicente Calderon, lugta labaad ayaana ka dhici doonta garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa booqan doonta Vicente Calderon 1-da February, halka kulanka lugta labaad la ciyaari doono isla 8-da bishaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close