Barcelona oo markii 7-aad oo xiriir ah u soo gudubtay semi-final ka Copa de Rey

barca

(Spain) 27 Jan 2017. Barcelona yaa si raaxo leh ugu soo gudubtay afar dhammaadka Copa del Rey kaddib markii ay lugtii labaad ee sideed dhammaadka 5-2 ku khaarijisay Real Sociedad.

Denis Suarez ayaa goolka u daah furay Barca una soo xiray, halka Lionel Messi uu rigoore dhaliyay, Suarez iyo Arda Turan ayaa iyana shaqaba soo taabtay.

Kooxda reer Catalonia ayaa waxay guushan uga dhigan tahay inay markii 7-aad oo xiriir ah ay soo gaareyso semi-final ka Copa Del Rey , saddex final ayayna ku guuleysteen.

Barca ayaa iminka u muuqata inay difaacan doonto koobkan, oo waxaa afar dhammaadka la jooga Atletico Madrid, Celta Vigo, iyo Alaves iyadoo maanta la sameyn doono isku aadka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close