Alvaro Morata oo doonaya inuu katago Real Madrid kadib markii uu qiyaanay tababare Zidane

Image result for Alvaro Morata and Zidane

(Madrid) 27 Jan 2017 Weerar yahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa doonaya inuu isaga tago kooxdiisa kadib markii uu dareemay in tababare Zidane uu u dhigay dabin qiyaano ah.

Sida ay baahisay Cadena Ser, Alvaro Morata ayaa dareensan in tababare Zidane uu qiyaanay kadib markii uu xaggaagii u balan qaaday inuu boos fiican ka helayo kooxda.

Balse tababare Zidane ayaa ugu abaal guday inuu keydka ka soo muuqdo intabadan kulamada kooxda ee xiliciyaareed kan, wuxuuna safka hore u adeegsadaa Karim Benzema.

Image result for Alvaro Morata and Zidane

Wararka ayaa intaa ku daraya in Alvaro Morata uu ku wargaliyay wakiilkiisa inuu dhagaysto dalabyada u imaanaya si uu uga tago Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kan.

Arsenal, Chelsea iyo Juventus ayaa ku dagaalami doona saxiixa weerar yahanka reer Spain ee Alvaro Morata sida lagu sheegay warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close