Wenger oo aqbalay dacwadii uu FA-gu ku soo eedeeyay kadib qaabkii uu ula dhaqmay garsooraha 4-aad kulankii Burnley

(London) 26 Jan 2016 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa aqbalay dacwadii uga timid xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA.

Arsene Wenger ayaa si aan fiicnayn ula dhaqmay garsooraha 4-aad ee kulankii kooxdiisu ay guusha waqtiga dambe ah ka gaartay kooxda Burnley axadii.

Wenger ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay go’aankii looga saaray garoonka, wuxuuna intaa ku daray inuu u fahmay in istaaga halka laga galo garoonka ay tahay mid uu sharci u leeyahay.

“Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa inay lama filaan igu noqotay go’aankii la iiga saaray garoonka, mana garanayn halka aan aadayo” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Waxaan istaagay halka laga galo garoonka, waxaan rumaysnaa in booskaas oo la istaago uu yahay mid sharci ah, waxaan rumaysanahay in garsooraha 4-aad uu u baahanyahay in arinka loo kala cadeeyo, waayo waqtigaas oo kale ma garanaysid halka aad aadayso”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close