“Waxaan xooga saaraynaa horyaalka iyo Champions League” – Isco

isco

(Madrid) 26 Jan 2017 Laacibka kooxda Real Madrid ee Isco ayaa ka hadlay kaharidii kooxdiisu ay xalay ka hartay Copa del Rey oo ay si wayn ugu tashanayeen.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa aaminay in xiliciyaareed kan ay qaadi karaan ilaa 3-koob, balse Celta Vigo ayaa beenisay rajada Real.

Isco ayaa sheegay in kooxdiisu ay haatan xooga saari doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd horyaalka oo ay hogaanka u haayaan iyo Champions League oo wareega 16-ka ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli.

isco-cropped_dl77nb6avvlx1tn9frvkqd8qc

“Haa, waxaan rajaynaynay inaan ku guulaysano 3-leey, laakiin haatan waa inaan xooga saarnaa horyaalka iyo Champions League” ayuu u sheegay Marca.

“Kalsooni badan ayaan ku qabaa kooxdaan, waan hubaa inaan hagaagi doono waqti kadib, xiliciyaareedkana waxaan ku dhamaysan doonaa koob cusub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close