Tababaraha Celta Vigo oo ka hadlay qaabkii ay ku reebeen Real Madrid

(Vigo) 26 Jan 2017 Tababaraha kooxda Celta Vigo ee Eduardo Berizzo ayaa ka hadlay qaabkii xalay kooxdiisu ay u reebtay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa Copa del Rey.

Celta Vigo ayaa 2-1 uga soo adkaatay Real Madrid garoonkeeda, waxayna xalay markale ku qasabtay inay isku garab dhacaan kadib ciyaar ku soo dhamaatay 2-2.

Eduardo Berizzo ayaa sheegay in kooxdiisu ay gashay difaac culus isla markaana ay ka faa’idaysteen fursadooda iyaga oo ka dhaliyay ilaa 4-gool labadii lug.

“Waan ogayn inaan dhibtoon doono, Real waxay kugu qasbee inaad gasho difaac waqti dheer ah waana inaad gool dhalisaa marka ay fursadu kuu ogolaato, waa inaad si dag dag ah uga faa’idaysato fursadaada” ayuu yiri Eduardo Berizzo dhamaadkii ciyaarta.

“Waxaan u mahadcelinayaa taageerayaasha sidii ay noo garab istaageen, waa inay ku raaxaystaan guushaan wayn, haatan waa inaan u diyaar garownaa mustaqbalka iyo hami wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close