RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay Celta Vigo kooxda Real Madrid ka reebtay Copa Del Rey… (Cristiano Ronaldo oo noqday laacibka kaliya ee La Liga…)

(Vigo) 26 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Celta Vigo ayaa Real Madrid ka reebtay Copa Del Rey kaddib markii ay barbaro 2-2 wada galeen kooxahan kulankii lugta labaad ee siddeed dhammaadka koobkan, waxaana cel-celis ahaan labadii lugood lagu reebay Real Madrid (4-3).

C3DJPMMWQAEPnt1

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Celta markii labaad ayay Real Madrid ebid taariikhda ka soo reebtay Spanish Cup, markii ugu horreysay tan iyo 1941-kii, 76-sano ka hor.

>- Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahanka kaliya ee La Ligaha ka ciyaara, kaasoo ka dhaliyey laadka xor ah oo toos ah (free-kick) saddex tartan oo kala duwan xilli ciyaareedkan.

>- Danilo ayaa iska dhaliyey (own goals) ka badan xiddigaha kale ee La Liga xilli ciyaareedkan, waxaana uu iska dhaliyey 2 own goals, isagoo sidaas ku barbareeyey Daniel Wass oo sidaan oo kale 2 gool kooxdiisa ka dhaliyey tartammada oo dhan.

>- Cristiano Ronaldo ayaa lix jeer kubadda birta ku dhuftay waana inka badan xiddigaha kale ee ka ciyaara La Liga xilli ciyaareedkan tartammada oo dhan.

>- Cristiano Ronaldo ayaa hadda dhaliyey 27 gool 29-kii kulan ee ugu dambeeyey tartammada oo dhan oo uu u ciyaaray kooxdiisa iyo dalkiisa.

>- Real Madrid laga soo bilaawo 9-ka April 2016 ilaa laga soo gaaro 12-ka January 2017, waxaa ay guuldarro la’aan ahayd 40-kulan, laakiin kaliya hal jeer ayey badiyeen afartii kulan u dambeeyay, (Waxaa la garaacay 2 jeer halna barbaro ayey galeen).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close