RASMI: Xavi Hernandez oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Al-Sadd

(Doha) 26 Jan 2017 Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa reer Qatar ee Al Sadd.

Kooxda reer Qatar ayaa bogeeda rasmiga ah ku shaacisay in Xavi Hernandez uu qalinka ku duugay heshiis ku eg ilaa 2018, wuxuuna hal sano ku kordhiyay qandaraaskiisii hore.

Xavi Hernandez ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Barcelona xaggaagii 2015 markaas oo uu doorbiday inuu ka ciyaaro horyaalka dalka Qatar.

Kooxda Al Sadd ayaa ku jirta booska 2-aad ee kala saraynta jadwalka horyaalka Qatar, Xavi Hernandez ayaana ka soo muuqday dhamaan kulamadii kooxdu ay ciyaartay xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close