Old Trafford oo qaadkiisa la gaarsiin doono 88,000 kun (Sideetan iyo sideed kun)

Manchester United v Everton - Premier League

(Manchester) 26 Jan 2017. Manchester United ayaa qorsheeneysa in ay kordhiyo tirade jaaahiirta soo xaadirta Old Trafford.

Sida ay qortay Daily Mail, 88,000 ayaa la gaarsiin doonaa kuraasta gegida oo iminka ku dhaw 76,000.

Sida qorshuhu yahay waxaa 7,500 ayaa lagu kordhin doonaa qeybta loo yaqaan Sir Bobby Charlton.

Hada, Wembley ayaa ah midka ugu qaadka weyn Britain waxaana galaya 90 kun.

Manchester United v Tottenham Hotspur - Premier League

Hadii ay United dhammeysi qorshahaas waxa uu Old Trafford ka saramari doonaa Santiago Bernabeau oo ay xaadiraaan marka uu buuxo 85,454.

Kaliya Camp Nou oo qaadi doona 99,354 marka isna dib u naqshadeyntiisa la dhammeeyo qaadi doona ayaa ka weynaan doona Old Trafford.

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close