Messi oo hal shardi ku xiray heshiis kordhintiisa Barcelona

Image result for Messi and his Father

(Barcelona) 26 Jan 2017 Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa shardi ku xiray heshiis kordhintiisa kaas oo aan dhib badan u lahayn kooxdiisa.

Qandaraaska Messi ee Barcelona ayaa ku eg 2018, waxaana haatan socda wadahadalo u dhexeeya wakiilkiisa iyo maamulka kooxda.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in aabaha dhalay Messi oo ah wakiilkiisa iyo isaguba ay ka codsadeen kooxda in aan lala hadlin saxaafada inta lagu guda jiro arinka heshiis kordhinta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Messi uu u arko in wax walba ay si hagaagsan ku dhamaanayaan hadii la hirgaliyo in aan wax faah faahin ah lasiinin saxaafada.

Warar horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Messi uu qalinka ugu duugi doono kooxdiisa Barcelona heshiis dhacaya ilaa 2022.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close