Iago Aspas oo shaaciyay inuu iska diiday ku biirida PSG

نجم السيلتا يؤكد رفضه الانتقال لباريس سان جيرمان

(Vigo) 26 Jan 2017 Weerar yahanka kooxda Celta Vigo ee Iago Aspas ayaa iska diiday u dhaqaaqida kooxda lacagta badan ee PSG.

Kooxda PSG ayaa isku dayday inay lacago badan ku soo jiidato weerar yahankii hore ee Liverpool, balse Iago Aspas ayaa doortay inuu iska sii joogo kooxdiisa.

Tababare Unai Emery ayaa dhawr jeer isku dayay in Iago Aspas uu soo caga dhigto caasimada faransiiska, laakiin isku dayga ayaa noqday mid fashilmay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Celta Vigo, halkaan waa gurigayga waxaana la noolahay qoyskeyga, waxaan aad ugu dhawahay asxaabtayda” ayuu u sheegay Cadena Ser.

“Marwalba waxaa ii imaanayay dalabyada kooxo kale, laakiin waxaan doorbidayaa inaan sii joogo halkaan ilaa maamulka kooxdu uu ka gaarayo go’aan kale”.

“PSG way ila soo xiriirtay si lamid ah kooxaha kale, laakiin halkaan ayaan ku faraxsanahay, marwalba waxaan ku riyoonayay inaan xirto funaanadaan, waxaan doonayaa inaan kubadda uga fariisto halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close