Gerard Deulofeu oo durba saameeyn ku yeeshay kulan-bilowgiisii Milan + Sawirro

(Torino) 26 Jan 2017 – Laacibka garab-weerarka ah ee ç, oo dhowaantan uun kusoo biiray kooxda AC Milan ayaa xalay kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxdiisa oo ay 2-1 uga adkaatay kooxda Juventus.

Laacibka oo ciyaarta soo galay jeer ay 10 daqiiqo uun ka harsanayd ayaa saameeyn ku yeeshay garabka bidix ee uu ka dheelayay, isagoo xitaa mar sigay inuu gool dhaliyo ama dhigo daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Saxaafadda talyaaniga ee ciyaaraha ka faalloota ayaa waloow uu waqtigu yaraa misna bandhigga Deulofeu ku tilmaamay mid laacibku ku kasban karo inuu ka mid noqdo safka 1-aad, marka uu faya qabkiisa jireed 100% noqdo ama ku dhowaado.

Waxaa sidoo kale ciyaarta kahor iyo kaddibba amaanay macallinka AC Milan oo ah ninka ku taliyay in muluqdii hore ee kusoo barbaaray La Massia la keeno kooxda Milan.

s s0 s1 s2 s3 s5 s6 s7 s8 s9

s

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close