Usain Bolt iyo xiddigaha dalkiisa Jamaica oo laga celiyey biladihii dahabka ahaa ee ciyaarihii Olimbikada Beijing 2008… (Ogow sababta)

Bol

(Beijing) 25 Jan 2017 – Xiddiga ugu dheereeya adduunka ee Usain Bolt iyo xiddigaha dalkiisa ee u ordayey ciyaarihii Olimbikada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha sanadkii 2008 ayaa laga qaaday ama laga xayuubiyey biladihii dahabka ahaa ee ay ku guuleysteen iyo dhammaan shahaadooyinkii la guddoonsiiyey.

Kaddib markii baaritaan lagu sameeyey ayaa la ogaaday inay isticmaaleen daawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda caalamka, taasoo oo keentay in laga qaado dhammaan wixii ay ku guuleysteen tartankaas.

Inkastoo Usain Bolt uu murugo ka muujiyey, haddana waxana uu qiray inuu soo celin doono billadii dahabka ahayd ee uu ku soo guuleystay ciyaarihii Olimbikada Adduunka ee Beijing 2008.

Bolt3

Xiddigihii u ordayey Jamaica sanadkii 2008 ayaa bilada dahabka ah ee 4x100m ugu guulaystay garoonka Beijing 2008, balse xarunta Nesta Carter ayaa dib u baartay tijaabooyinkii iyo baaritaannadii ay mareen oroyahannada reer Jamaica, waxaana laga helay dawooyin adduunka laga mamnuucay taas oo keentay in si rasmi ah looga soo celiyay abaal-marinihii ay ku guulaysteen.

Bolt1

31-sano jirka Usain Bolt iyo dhammaan afartii ciyaaryahan ee ka socda dalka Jamaica ayaa sidaas ku lumiyey biladihii ay ku guuleysteen sagaal sano ka hor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close