RASMI: Patrice Evra oo ku biiray kooxda Marseille… + SAWIRRO

(Marseille) 26 Jan 2017 – Patrice Evra ayaa ku biiray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Marseille, isagoo ka soo tagay naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa kooxda ka dhisan dalkiisa hooyo ugu biiray heshiis 18 bilood ah.

Difaacii hore ee Man United ayaa kooxda Ligue 1 ka dheesha la galay heshiis ku eg ilaa xilli ciyaareedka 2017-18.

Kooxda Marseille ayaa xaqiijisay saxiixa ciyaaryahankan, kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaad, waxaana ay barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “RASMI: Evra waa xiddig cusub oo ka tirsan Olympique Marseille soo dhowaaw Patrice”.

35 sano jirkaan difaaca ka dheela ayaa ku biiray Juventus sanadkii 2014-kii, waxaana uu kula guuleystay labo horyaalka Serie A ah, labo Coppa Italia iyo Suppercoppa Italia sanadkii 2015.

SAWIRRO:

C3DA9z7WQAAH_TP

C3DAvlBWEAAt58z

C3DBOSPWEAAZFGW

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close