AFCON 2017: Xulka Egypt oo garaacay Ghana una soo gudbay siddeed dhammaadka tartanka, halka xulalka Uganda iyo Mali ay barbaro galeen

sallah-12

(Libreville) 26 Jan 2017 – Xulalka Egypt ayaa 1-0 uga adkaatay dhiggiisa Ghana kulan ka tirsan qeybta D ee koobka qaramada Afrika waxaana ay iska xaadiriyeen siddeed dhammaadka tartankan, halka Uganda iyo Mali ay barbaro 1-1 ku kala tageen.

Xulka Masar waxa uu u baahnaa hal dhicib si uu ugu soo baxo kaalinta labaad ee Guruubka D, laakiin waxa uu guul ka gaartay caawa xulka Ghana oo mar hore xaqiijiyey inay u soo baxeen siddeed dhammaadka tartanka.

Egypt goolka madiga ah ee ay uga badiyeen Ghana waxaa u dhaliyey 11’daqiiqo bilowgii ciyaarta Mohamed Salah.

Dhinaca kale xulalka Uganda iyo Mali ayaa wada galay barbaro 1-1 iyagoo xaqiijiyey inay isaga hareen tartankan oo ay gaari waayeen siddeed dhammaadka.

Qeybii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, waxaana markii dib la isugu soo laabtay goolka la horreeyey xulka Uganda, waxaana u dhaliyey 70’daqiiqo Farouk Miya, halka goolka barbaraha ay xulka Mali 74’daqiiqo ka heleen Yves Bissouma.

Waxaa sidaas siddeed dhammaadka koobka qaramada Afrika ugu soo gudbay xulalka Masar oo kaalinta koowaad ku soo baxday iyo xulka Ghana oo kaalinta labaad ku soo baxay, halka ay isaga hareen tartankan xulalka Uganda iyo Mali.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close