Zidane oo xaqiijiyay dhaawaca James Rodriguez

زيدان يُؤكد غياب خاميس ويكشف طبيعة إصابته

(Madrid) 24 Jan 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay dhaawaca cusub ee la sheegay inuu soo gaaray laacibkiisa James Rodriguez.

Qaar kamid ah saxaafada Spain ayaa saaka daabacay in James Rodriguez uu soo gaaray dhaawac cusub kaas oo dartiis uu uga maqnaan doono garoomada mudo kale.

Laakiin Tababare Zidane ayaa beeniyay warkaas wuxuuna xaqiijiyay in James Rodriguez uu la dhibtoonayo murqo koror oo kaliya.

“James Rodriguez wuxuu la dhibtoonayaa murqo koror soo wajahay laakiin ma ahan dhaawac, marka uu dhaawac kaa soo gaaray hal dhinac, dhinaca kale ayaad saaraysa xooga intiisa kale, taas ayaana sababtay arinkaan cusub” ayuu yiri Zidane ka hor kulanka Celta Vigo.

“Aan u qaadano in arinku uu yahay mid yar” ayuu sii raaciyay tababaraha kooxda Real Madrid oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka habeen dambe.

James Rodriguez ayaa u baahan 3-isbuuc si uu uga soo kabsado dhibaatadaan cusub oo ka soo wajahday dhanka muruqa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close