Liverpool oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Philippe Coutinho

The Brazil international has been a key player for Jurgen Klopp

(Liverpool) 24 Jan 2017 Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay laacibkooda reer Brazil ee Philippe Coutinho sida ay baahisay Sky Sports.

Philippe Coutinho ayaa heshiis 5-sano ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Liverpool 2015, laakiin kooxda ayaa go’aansatay in lagu abaal mariyo heshiis dheeraad ah kadib qaab ciyaareedkiisa fiican ee xiliciyaareed kan.

Laacib kaan ayaa 6-isbuuc oo dhaawac ah uga maqnaa kooxdiisa xiliciyaareed kan, wuxuuna u dhaliyay 6-gool 18-kulan oo uu ka soo muuqday xiliciyaareed kan.

24 jirkaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha Barcelona iyo PSG, balse Liverpool ayaa doonaysa inay ka hortagto in Philippe Coutinho uu si fudud uga dhaqaaqo garoonka Anfield.

Liverpool ayaa la soo wareegtay Philippe Coutinho bishii janaayo ee 2013 markaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close