SOMALIA VS AFGHANSTAN 9-1: Xulka Xeego-Barafka Somalia oo dhulka ku jiidey xulka Afghanstan + Sawirro (Koobka Adduunka oo ay markale ka qayb gelayaan)

(Karsltad) 23 Jan 2017 – Xulka Xeego-Barafka Somalia oo ah xulkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciyaara ciyaartan ayaa isu diyaarinaya inuu markale ka qayb galo Koobka Adduunka ee Xeego-Barafka.

Xulka Somalia oo saldhiggiisu yahay magaalada Borlänge ee woqooyiga Sweden ayaa kulan saaxiibtinimo magaalada Karlstad ee dalka Sweden kula ciyaaray dhiggooda Afghanstan waxayna uga badiyeen 9-1.

Xulka Somalia ayaa haatan soo gaarey magaalada Trollhättan ee dalka Sweden oo lagu qabanayo Koobka Adduunka Xeego-Barafka, waxayna Somalia ku jirtaa Pool B oo ay ku jiraan 5 dal iyadoo ay wehlinayaan dalalka Canada, Netherands, Czech Republic, China iyo Stonia.

Kulanka ugu horreeya waxay Somalia ciyaari doontaa maalinta Talaadada ah oo uu furmayo Koobkan oo socon doona ilaa 28-ka bishan Jannaayo, waxayna Somalia foodda is darayaan dalka adag ee Canada, iyadoo sida aan warka ku hayo lagu wado inay isla habeenkii misna la dheelaan Czech.

b1 b2 b4 b6 b8 b0

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close