Sergio Busquets oo bareelo garoonka looga saaray….(Maxay Barcelona ka tiri dhaawiciisa?)

brr

(Catalonia) 23 Jan 2017. Sergio Busquets ayaa garoonka looga saaray Bareelo kaddib sideed daqiiqo oo qura ay socotay ciyaartii ay xalay afarta gool uga adkaadeen naadiga Eibar.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Spain ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray canqowga kaddib markii uu lugta uga istaagay xiddiga lambarka 5-aad u xirta Eibar.

Sergio Busquets is injured after a nasty ankle stamp

Lama garanayo ilaa iyo iminka heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray laakiin Barcelona ayaa warbixin ay soo dhigtay boggeeda Twitter ku sheegtay inuu dhaawacu ka soo gaaray canqowga lugta midig isla markaana maanta la marsiin doono tijaabooyin si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay.

Tababare Luis Enrique ayaa rajeynaya in Busquets uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawaca maadaama ay kooxda ku soo fool leeyihiin kulamo muhiim ah oo horyaalka La Liga iyo waliba Champions League oo bisha soo socota dib u furmaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close