David Beckham oo soo booqday xarunta kooxdiisii hore ee PSG

blaise

(Paris), 23 Jan 2017   –Xidiggii hore ee Ingiriiska David Beckham ayaa saakay booqasho gaaban ku yimid xarunta naadigiisii hore ee Paris Saint-Germain, waxaana bogga Internet-ka kooxdaasi lagu soo bandhigay Beckham oo haya funaanaddiisii hore ee PSG ee lambarka 32′.

Beckham ayaa waqti gaaban kula qaatay xarunta tababarka kooxda PSG saaxiibadiisii hore ee ay isku kooxda ahaayeen Thiago Silva, Javier Pastore, Marco Verratti, Maxwell iyo Blaise Matuid waxaana tani ku soo aadaysaa ka hor kulankooda berri ay la ciyaari doonaan Bordeaux ee Coupe de la Ligue.

Kabtankii hore ee Ingiriiska, David Beckham oo u soo ciyaaray Manchester United iyo Real Madrid ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyay laga sii deyn doonaa Telefishinka kooxda ee PSG TV, waana markii ugu horreysay ee uu ku soo laabto kooxdiisan tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay 2013, isagoo xilli ciyaareedkaasina Horyaalka Faransiiska la qaaday PSG.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close