AFCON 2017: Xulalka Senegal iyo Argeria oo isku garab dhacay, xilli xulka Tunisia uu dardaray Zimbabwe

ma

(Libreville) 24 Jan 2017 – Kulamo ka tirsan qeybta (B) ee koobka qaramada Afrika 2017 ayaa la ciyaaray, iyadoo xulalka Algeria iyo Zimbabwe ay ku hareen heerka guruubyada tartankan.

Segenal oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee u gudba wareegga siddeed dhamaadka tartanka ayaa barbaro 2-2 la galay xulka Algeria.

Xulka Algeria oo doonayey inuu guul uun gaaro si uu rajo uga yeesho u soo bixitaanka wareegga xiga ayaa waxaa labo gool u dhaliyey Islam Slimani, laakiin labo gool oo ay xulka Segenal u kala dhaliyeen Pape Kouli Diop iyo Moussa Sow ayaa beeniyey goolasha Slimani.

Xulka Segenal ayaa mar horeba sii xaqiijiyey inuu u soo baxay siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika, halka xulka Algeria ay tartankan isaga hareen.

Dhinaca kale xulka Tunisia ayaa u soo gudbay siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay dhegaha u laabeen xulka Zimbabwe oo tartankan laga reebay.

Tunisia ayaa 4-2 ku garaacday xulka Zimbabwe, waxaa goolasha ay u kala dhaliyeen sidan hoose.

Capture

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close