SERIE A: Kooxda Roma oo soo degtay kaalinta labaad ee horyaalka, kaddib markii ay garaacday Cagliari… + SAWIRRO

(Rome) 23 Jan 2017 – Kooxda kubadda cagta Roma ayaa soo degtay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A, kaddib markii ay garaacday naadiga Cagliari oo marti u ahayd.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo ay Roma gool madi ah oo ay la timid qeybtii dambe ee ciyaarta ku martay naadiga Cagliari.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Roma ayaa goolka ay guusha ku qaadatay waxaa u dhaliyey 55’daqiiqo Edin Dzeko, waxaana goolkaas caawiye ka ahaa Antonio Ruediger, sidaas ayey Roma oo rayskeeda joogta ay ugu badisay 1-0.

Waxaa xusid mudan in dhammaadkii ciyaarta uu kooxda Cagliari kaarka guduudan ka qaatay Joao Pedro Galvao, kaddib markii uu jilaafay Kevin Strootman.

Guushaas ayaa kooxda Roma u xaqiijisay inay salka la hesho kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A iyadoo leh 47-dhibcood, hal dhibic oo qurana ka dambeysa Juventus oo hoggaanka haysa kulanna baaqi u yahay.

SAWIRRO:

C2zd4s9WEAEwcm6

C2zdzl3XAAA27Sz

C2zdzlSXAAAkRAH

C2zk_JBWEAAEBYF

C2znSkCXEAArT-m

C2zoadCXcAI0png

C2zRY-5WgAM2xOy

C2zV8YCWQAA1bHM

C2zZSGsW8AAvk39

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close